Helpdesk Somali

Codsi adeega degdega ah
ee mashruuca Urur Kaab:

Urur Kaab waxa ay halkaan ku soo jeedineysaa adeega cusub ee lagu tilmaamo Helpdesk ama adeega degdega ah ee lagala shaqaynayo urarada bulshada rayidka ah. Formka codsiga ay ururada ay soo buuxin karaan waa adeeg cusub oo ku soo biiray bogga interneetka ee mashruuca Urur Kaab. Halkaan oo ay ururada ka shaqeeya demoqraadiyada iyo wixii khuseeya xuquuqul insaanku ay ka soo dirikaraan codsiyo ku saabsan baahida degdega ah ee uraradu ay tabayaan.

Meelaha ay shaqaalaha mashruuca ay ka caawimikaraan ururada waxa ay tahay baahida hada taala oo ay noqonkarto; talobixin documenti istaraatajiyo oo dulmar uu ururku uu u baahanyahay in talo bixin laga siiyo. Codsi deeqbixin oo uu ururku uu doonayo in lala eego oo talobixin laga dhiibo ama waraaqado tusaale ama cilmi kororsi u noqonkara ururka shaqadiisa.

Waxa aad halkaan hoose ku soo qorikartaan wixii aad u baahantihiin in la´idinla shaqeeyo oo ah adeegyada aanan waqti badan qaadaneynin ee isla maalinkii la idiin dhameystiri karo. Shaqaalaha Urur Kaab baa marka uu codsiga uu soo gaaro idinla xiriiri doona oo war ka bixin doona hadii shaqada la idinla qabon karo iyo qofka idinkala shaqeynaya wixii aad codsateen.

Codsiga aad soo dirtaan noocisa ayaa lala barbar dhigi qofkii ku haboon ee ka shaqeeya Urur Kaab oo idinkala caawimikara shaqadaasi.

 

Ururkaab Helpdesk